HAMBALYO BOGAADIN & MAHADCELIN (SEWD)

nashaad1-276x300

Waxaa  aad  iyo aad  wax  loogu farxo ah Allahna aan ooga  mahadcelinayaa in uu bulshadeena maanta waafajiyay   in  ay  kudhaqaaqdo  Harumarinta DDS. Waxaana Dal iyo Dibadba  kasocda dhaqdhaqaaqyo aad ubadan oo si  xawli ah kusocda oo dhammaantood  kuwajahan Hormarinta DDS … Continue reading

Hay’adda SAAD oo qaybisay qayb ka mid ah Dalagii kasoo go’ay Beerta Barwaaqo ee Galbeedka Gode

DSCF6660

Sida lawada ogyahay Hay’adda SAAD ayaa Mashruuc wayn oo dhanka beeraha ah ka waday Degmada Beercaano ee Gobolka Godey. Mashruucan oo ahaa Maalgalin ay Hay’adu ku Samaysay Beer weyn oo lagu magacaabo Barwaaqo oo ay leeyihiin Iskaashatada beeralayda ee Salaama … Continue reading

Hay’adda SAAD oo raashin u qaybisay dad masaakiin ah oo ku nool Tuulada Dulcad ee degmada Qabribayax

DSC09963

Hay’adda SAAD ayaa raashin u qaybisay dad masaakiin ah oo kunool tuulada Dulcad ee degmada Qabribayax.  Raashinkan oo isugu jiray qamadi iyo saliid ayaa waxaa la gaadhsiiyay dad aad u tabaalaysnaa oo gaadhayay ilaa 200 oo qoys oo ku dhaqan … Continue reading

Hay’adda SAAD oo biya dhaamin ka bilowday Magaalada Harta sheekh

DSC09850

Mashruuc  biya dhaamin ah  ayay hay’adda SAAD  ka bilowday Magaalada Harta sheekha, Barnaamijkan oo ay iska kaashadeen Hay’adda SAAD iyo UNICEF  ayaa loogu tala galay in biya nadiif ah lagu gaadhsiiyo shacabka ku dhaqan magaaladaas oo biya la’aan ay ka … Continue reading

Hay’adda SAAD oo Buugaag ku wareejisay Maamulka Dugsiga Sare ee JIJiga(Sawiro)

DSCF5432

  Hay’adda SAAD ayaa maanta Buugaag ku wareejisay Maamulka iyo Ardayda Dugsiga sare ee jijiga, buugaagtan oo ahaa kuwa Casri ah oo ku haboon Ardayda waxkabarata dugsiga. Munaasabad ay soo agaasimeen Maamulka dugsiga oo ka dhacday hoolka shirarka ee dugsiga … Continue reading

Xaflada Sanadguurada Hay’adda SAAD ee 2011 oo jijiga lagu qabtay (Sawiro)

DSCF5223

Waxaa maalinimadii Sabtida 18-02-2013 Magaalada Jigjiga Hoolka shiraraka ee Hotel Xamda ay kusoo bandhigtay Hay,dda Gargaarka & Horumarinta DDS ( SAAD ) Munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadkeedii sanadkii dhamaaday ee 2011. Xafladan oo uu Hogaaminayay  Gudoomiyaha guud ee Hay,adda Mudane … Continue reading

Hay’adda SAAD oo xafiiskeeda Addis Ababa kulan kula yeelatay masuul kasocda Hay’adda JICA ( Japan International Cooperation Agency)

IMG_0245

Masuul ka tirsan Hay’adda japanka ah ee JICA oo lagu magacaabo Atsushi Nashimoto ayaa booqasho ku yimid xafiiska Hay’adda SAAD ee Addis Ababa, waxaana hlkaas ku qaabilay Madaxa Maamulka Axmed Cabdi Adan, Agaasimaha Mashaariicda Maxamed Cabdi Faarax iyo Maamulaha hawlaha … Continue reading

Hay’adda SAAD oo Afar ceel gacmeed ka fulisay Degmada Fiiq

DSC09919

Hay’adda gargaarka iyo Horumarinta Degaanka Soomaalida itoopiya (SAAD) ayaa afar ceel gacmeed oo biya yaraan iyo nadaafad la’aan la’ildarnaa u hagaajisay bulshada ku dhaqan Magaalada Fiiq. Ceelashan oo ay horay bulshada u qodatay ayna ka cabi jireen dadka iyo xoolaha … Continue reading

Hay’adda SAAD oo raashin fara badan ka qaybisay Xeryaha Qaxootiga ee Doolo Addo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xeryaha qaxootiga ee ku yaala doolow oo ay ku jiraan qaxooti fara badan oo kor u dhaafaya 140,000 ayay hay’adu u qaybisay Raashin isugu jira Bariis, Bur iyo Saliid. Xero cusub oo la furay dhawaan oo lagu magacaabo Buur Aaminow … Continue reading

Kulan ballaadhan oo dhex maray Hay’adda SAAD iyo hay’adda Turki ah ee “TIKA” iyo Ceelal laga qodi doono Gobolka Shiniile

IMG_0595

Kulan ballaadhan ayaa waxa uu ku dhex maray magaalada Addis Ababa Hay’adda SAAD iyo hay’adda  ( Turkish Cooperation and Coordination Agency – (TIKA). kulankan oo ka dhacay Xafiiska hay’adda TIKA ee Magaalada Addis ababa uuna goobjoog ahaa gudoomiyaha TIKA  Dr. … Continue reading

Masuuliyiinta Hay’adda SAAD oo dib ugu soo laabtay Dalka kadib safar ay ku tageen dalka boqortooyada Sacuudiga

ibraahimkulanjig

              Labada masuul ee ugu sareysa Hay’adda SAAD Sh.Ibraahim Maxamed Xuseen Gudoomiyaha board-ga iyo Sh.Axmed C/nasir Nuux (Nashaad) ayaa todobaadkan dib ugu soo laabtan magaalada Addis Ababa kadib safar dheer oo qaatay laba bilood … Continue reading

Hay’adda SAAD oo gargaar gaadhsiisay dad ku barakacay tuulooyin ka tirsan degmada Qalaafe (Sawiro)

DSC05036

Iyadoo  roobkii da’ay ee deyrta uu ahaa mid aad u fiicnaa oo wada gaadhay degaanka oo dhan wallow gobolo qaar u badnaa ayaa haddana dadku ay ku diirsadeen nimcadaas ballaadhan ee Alle ugu deeqay bulshada ayaa haddana waxaa jiray daad … Continue reading

Beerta Barwaaqo ee Hay’adda SAAD oo sannadkii labaad la beerayo(Sawiro)

cagafta beerta

Beerta Barwaaqo oo la aasaasay sanadkii hore ayna maalgaliso Hay’adda SAAD ayaa la abuurayaa sanadkii labaad.   Maalmahan ayaa waxaa beerta ka socday shaqo aad u ballaadhan oo isugu jirta Abuur, Fal iyo waraabin iyadoo inta badan beertan la abuuray … Continue reading

Hay’adda SAAD oo Shahaadooyin iyo Abaalmarino siisay maamulada Xaafadihii ka qayb galay Ololihii Nadaafada ee magaalada Godey

DSCF5030

Xaflad ballaadhan oo ka dhacday Xafiiska Maamulka Magaalada Godey ayna soo qabanqaabiyeen Hay’adda SAAD iyo Maamulka Magaalada Godey ayaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin iyo Abaalmarin kala duwan xaafadihii sida wanaagsan uga qayb qaatay Ololihii nadaafada magaalada godey ee horaantii bishan lagafuliyay … Continue reading

HAY’ADDA ( SAAD ) OO OLOLE NADAAFADEED KA FULISAY DEGMADA GODEY

DSCF4637

Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta Degaanka Soomaalida itoopiya ee SAAD ayaa Olole Nadaafadeed ka fulisay degmada Godey, ololahan oo ay iska kaashadeen Maamulka Magaalada Godey iyo Hay’adda SAAD ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Dhammaan bulshada ku nool Xaafadaha ay ka koobantahay … Continue reading

Maareeyaha Guud ee hay’adda SAAD Sh.Axmed C.naasir Nuux (Axmed nashaad) ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray Machadka cusub ee Imaam Al-Nawawi ee Gobolka Qoraxay.

Nashaad4

Maareeyaha Guud ee Hay’adda SAAD Sh.axmed C.naasir Nuux(Axmed Nashaad) ayaa ambalyo iyo bagaadin u diray Machadka Cusub ee laga yagleelay Gobolka qoraxay gaar ahaan magaala madaxda gobolkaas ee Qabridahare. Maareeyaha ayaa isagoo ku sugan magaalada barakeysan ee Makka ee boqortooyada … Continue reading

Hay’adda SAAD oo qaybisay Xoolo aad u badan Munaasabada Ciidan Udxiyada ee Sanadkan(Sawiro)

DSCF4393

Munaasabada Ciida awgeed ayaa Hay’adda SAAD oo sidaad uga barateen u gargaarta Umadda waxay Sanadkan qaybisay Xoolo aad u badan oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Adhi. Xoolahan ayaa la gaadhsiiyay dhamaan Sagaalka gobol ee Degaanku ka koobanyahay Jijiga, Wardheer,Gode,qoraxay,Liibaan,Dh.buur, … Continue reading

CIID MUBAARAK Hay’adda oo Hambalyo ku aadan ciida diraysa

CIID-MUBAARAK-300x206

عيـــــد مبـــارك …. وكل عـــام وأنتـــم بخـــير….تقبــل الله منــا ومنــكم صـــالح الأعـــمال Dhamaan Masuuliyiinta HAY’ADDA SAAD , Shaqaalaha  iyo Xafiisyada Hay’adda ee Addis Ababa , Jijiga, Gode iyo Liibaan waxay Hambalyo u direyaan dhamaan Umadda Muslimiinta ah ee ku nool … Continue reading

Siminaarkii Shaqaalaha Hay’adda SAAD uga socday Addis Ababa oo lasoo gabagabeeyey

DSCF4178

  Waxaa maalintii Sabtida ahayd lasoo gabagbeeyey Siminaarkii maalmahan uga socday shaqaalaha hay’adda hoolka shirarka ee  Xafiiska hay’adda SAAD ee Addis Ababa. Siminaarkan oo socday mudo todobaad ah ayaa waxaa lagu bartay  Maamulka iyo Maareynta Mashaariicda (Project Management) , cashiradaas … Continue reading

Seminar ballaadhan oo shaqaalaha Hay’adda uga furmay Xafiiska hay’adda ee Addis Ababa

2

Xafiiska Hay’adda SAAD ee Addis Ababa ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay Seminar ballaadhan oo lagu baranayo mowduuca (Project Management) waxaana ka faa’ideysnaya dhamaan maareeyaasha iyo shaqaalaha Xafiisyada ha’adda ey kukala leedahay,  Addis Ababa,Jijiga, Gode,iyo Dollo Addo. Siminaarka oo … Continue reading